Mashruuca Gargaarka Cuntada -Relief Project
𝐖𝐅𝐏 & 𝐀𝐃𝐄𝐂 waxay iska kaashanayaan Mashruuca gargaarka cunnada, oo lagaarsiin doono 𝟏𝟑,𝟖𝟎𝟎 oo qof, taas oo u dhiganta 𝟐,𝟑𝟎𝟎 oo qoys oo ku nool degmooyinka 𝐁𝐚𝐝𝐡𝐚𝐧, 𝐃𝐡𝐚𝐡𝐚𝐫, 𝐗𝐢𝐧𝐠𝐚𝐥𝐨𝐨𝐥, 𝐂𝐞𝐞𝐥𝐚𝐚𝐲𝐨, 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐫𝐚𝐚𝐧 iyo qaar kamid ah degaannada hoos yimaada ee Gobollada 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲𝐥𝐚𝐚𝐧, ee Dowlad Goboleed Puntland Somalia.
Gargaarkan waa mid Saddex bilood ah, qoys kastana waxaa uu heli doonaa $70 bishiiba, si loo daboolo baahiyahooda aasaasiga ah ee cuntada.
Gargaarku waa bilaash, aan la canshuuraynin. Waxaana mamnuuc ah in dadka wax looga bedesho, ama laga iibiyo kaararka gargaarka.
WFP, waxay isbedel kusamaysay habka diwaangelinta. Hadda waxaa la diwaangalinaya faraha, sawirada, iyo macluumaadka qoyska oo dhan marka laga reebo carruurta ka yar 5 sano oo aan faro lagaqaadayn. Waxaa waajib ah in qoyska oo dhan ay maraan diwaangelin buuxda oo faro iyo sawirba leh.
WFP waxay soo kordhisay nidaam cusub oo ah in faraha qofka hal mar kaliya loo oggolyahay in lagu diiwaangeliyo SCOPE-ka, mar labaadna qofku uusan faro kale gali karin.
Sidoo kale, WFP waxay ku koobtay muddada gargaarka saddex bilood si loo siiyo fursad qoysaska kale ee gargaarka u baahan.
Diwaangalinta kafaa’idaystaasha ayaa bilaabaneesa bisha 8aad, iyadoo gargaarka ay heli doonaan bisha 9aad.