Mashruuca Gargaarka Cuntada -Relief Project

Muuqaal Wargalin & Ogaysiis ah.

๐–๐…๐ & ๐€๐ƒ๐„๐‚ waxay iska kaashanayaan Mashruuca gargaarka cunnada, oo lagaarsiin doono ๐Ÿ๐Ÿ‘,๐Ÿ–๐ŸŽ๐ŸŽ oo qof, taas oo u dhiganta ๐Ÿ,๐Ÿ‘๐ŸŽ๐ŸŽ oo qoys oo ku nool degmooyinka ๐๐š๐๐ก๐š๐ง, ๐ƒ๐ก๐š๐ก๐š๐ซ, ๐—๐ข๐ง๐ ๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฅ, ๐‚๐ž๐ž๐ฅ๐š๐š๐ฒ๐จ, ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐š๐š๐ง iyo qaar kamid ah degaannada hoos yimaada ee Gobollada ๐’๐š๐ง๐š๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒ๐ฅ๐š๐š๐ง, ee Dowlad Goboleed Puntland Somalia.

Gargaarkan waa mid Saddex bilood ah, qoys kastana waxaa uu heli doonaa $70 bishiiba, si loo daboolo baahiyahooda aasaasiga ah ee cuntada.

Gargaarku waa bilaash, aan la canshuuraynin. Waxaana mamnuuc ah in dadka wax looga bedesho, ama laga iibiyo kaararka gargaarka.

WFP, waxay isbedel kusamaysay habka diwaangelinta. Hadda waxaa la diwaangalinaya faraha, sawirada, iyo macluumaadka qoyska oo dhan marka laga reebo carruurta ka yar 5 sano oo aan faro lagaqaadayn. Waxaa waajib ah in qoyska oo dhan ay maraan diwaangelin buuxda oo faro iyo sawirba leh.

WFP waxay soo kordhisay nidaam cusub oo ah in faraha qofka hal mar kaliya loo oggolyahay in lagu diiwaangeliyo SCOPE-ka, mar labaadna qofku uusan faro kale gali karin.

Sidoo kale, WFP waxay ku koobtay muddada gargaarka saddex bilood si loo siiyo fursad qoysaska kale ee gargaarka u baahan.

Diwaangalinta kafaaโ€™idaystaasha ayaa bilaabaneesa bisha 8aad, iyadoo gargaarka ay heli doonaan bisha 9aad.